Adeegyada Bulsho Ee Caafimaadka iyo Waxbarashada PL oo loo daadajiyay heer Degmo

Garoowe: 18 December 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirka wareejinta Adeegyada xarumaha Waxabarashada iyo Caafimaadka Aas-aasiga ah.

Kulanka oo socday mudo Laba Maalmood ah ayaa loogu wareejiyey maamulka xarumaha Degmooyinka kala ah

Bosaaso: 2-MCH, 3-Bar Caafimaad iyo 7-Dugsi Hoose/Dhexe.

Garoowe: 3-MCH, 2-Bar Caafimaad iyo 10-Dugsi Hoose/Dhexe.

Gaalkacayo:2-MCH, 3-Bar Caafimaad iyo 7-Dugsi Hoose/Dhexe.

Qardho: 2-MCH, 3-Bar Caafimaad iyo 7-Dugsi Hoose/Dhexe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa goob joog ka noqday madasha ay maamulka xarumahaas kula kala wareegayeen Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo Degmooyinku isaga oo bogaadiyey horumarka laga gaadhay baahinta adeegyada bulshada oo maanta laga gaadhay guul la taaban karo.

Kulanka oo uu soo qaban-qaabiyey Mashruuca hormuudka maamul baahinta oo kamida Mashaariicda sid tooska ah u hoostaga Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland waxa kasoo qayb galay Wasiirada wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, Waxbarashada, Caafimaadka, Haweenka, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka, Wasiir ku-xigeenada Maaliyada iyo Tamarta, Guddomiyayaasha degmooyinka uu ka socdo Mashruuca maamul baahintu, Hay’addaha ku bahoobay mashruuca JPLG oo kala ah UNICEF, UNDP, UNHABITAT iyo UNCDF iyo masuuliyiin kale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.