Argentina oo ku guulaysatay Koobka Kubada Cagta Aduunka

Xulka Argentina,ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay rigoorayaal 4-2 ku garaaceen xulka difaacanaya koobka ee France, kadib markii ay barbaro 3-3 ah ku kala baxeen waqtigii dheeriga ahaa.

Goolhayaha Argentina Emiliano Martinez,ayaa rigoore ka badbaadiyay Kingsley Coman, halka Aurelien Tchouameni uu bannaanka mariyay, taasoo keentay in Argentina ay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee adduunka tan iyo 1986. Waa koobki saddexaad oo ay Argentina ku guuleysato.

France,ayaa Laba Gool kasoo kabatay, kuwaas oo ay ciyaarta kusoo celisay bar-bar dhac 90-daqiiqo ee ciyaartay, iyada oo Kylian Mbappe uu laba gool dhaliyay laba daqiiqo gudahood, ayna ku jirtat rigoore daqiiqadii 80-aad.

Argentina,ayaa qeybtii hore ee ciyaarta 2-0 ku hoggaamineysay, waxaana kala dhaliyay Messi iyo Angel Di Maria.