Khilaaf cusub oo ka dhexqarxay Deni iyo Karaash.!!

Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka Puntland dhawr Habeen waxay ku kala tageen isfahanwaa ku aadan isku shaandhayn ku saabsan Wasiiro,Agaasimayaal iyo Agaasimayaal ku xigeeno.

Wasiir Lugatoor waa Wasiirka Karaash diidan yahay oo rabo in Golaha laga saaro halka Deni ku dhegan yahay.

Sidoo kale Madaxweyne xigeenku,waxuu ku doodayaa in Agaasimayaasha wax kabadalkooda isaga loo daayo si gaar ah.

Madaxweyne Deni,ayaa doodaasna ganafka ku dhuftay.

Dad badan,ayaa qaba in ay Madaxweynuhu udaayo ku xigeenkiisa soo magacaabida Agaasime ku xigeenada.

Wasaaradaha Agaasime la’aanta ah oo kusimayaashu sii maamulaan,waxaa kusoo biirtay Caafimaadka oo mudo Sadex Bilood ah kusime Agaasime uu ka yahay Agaasime Waaxeed Garweyne halka Agaasimeedii guud xilka laga qaaday,iyadoon la shaacin.

Jibril Qoobey.