Ruushka oo weli sii wada weerarada culus Ee Ukrain

Madaxweynaha Ruushka, Volodymyr Zelensky,ayaa sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine

Injineerada ayaa sii wada shaqada ay dib ugu soo celinayaan korontada, kadib weeraradii waaweynaa ee Jimcihii oo la adeeg saday 76-Gantaal.

Weerarada,ayaa lala beegsaday kaabayaasha rayidka, iyadoo heerkulku uu hoos uga dhacay eber gobolo badan.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin,ayaa la tashiyo ku saabsan mustaqbalka dagaalka la sameynayey taliyayaashiisa ciidamada.

Aqalka Kremlin-ka,ayaa sheegay in Putin uu Jimcihii oo dhan ku sugnaa xarunta howlgalka Militari ee Ruushka.

Magaalada Kyiv,ayaa ku eedaysay maamulka Moscow inay jiilaalka u adeegsatay hub ahaan, iyada oo bartilmaameedsanaysa xarumaha muhiimka ah marka heerkulku hoos u dhaco.

Balse Madaxweynaha Ruushka,ayaa horaantii bishan wacad ku maray inuu sii wadi doono duqeymaha uu ku hayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, isagoo sheegay in dhaleeceynta duqeymaha Ruushka,aysan faragelin doonin “howlgalkooda dagaalka”.