Kulamada Waxgaradka Garacad iyo Madaxweyne Deni oo weli sii socda

Garacad: 20 December Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Garacad, ayaa kulan la qaatay Guddiga Odeyaasha deegaanka Garacad.

Madaxweynaha ayaa Guddiga Odeyaasha ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda deegaanka Garacad, waxaana Kulanka looga hadlay Nabadgelyada, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee degmooyinka iyo Horumarinta Deegaanka Garacad.

Guddiga Odeyaasha ah ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, Ahmiyada uu siiyey deegaanka iyo sida dowladdu uga howlgashay Dhismaha Dekadda Garacad iyo Mashaariicda kale ee horumarin, waxayna muujiyeen sida ay isugu diyaarinayaan Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee inagu soo fool leh.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.