Madaxweynaha Fadaraaliga ah oo Hanbalyo udiray Ciidamada Booliska Somaliyed

Muqdisho, Disembar 20, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliyed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter: @TheVillaSomalia