Madaxweynaha Ukrain oo booqasho ku tagey Maraykanka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa xafiiskiisa ku soo dhoweeyey madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy Arbacadii, taasoo u dhiganta booqashadii ugu horraysay ee Zelenskyy uu ku tago meel ka baxsan Ukraine tan iyo markii Ruushku uu bilaabay duulaanka uu ku qaaday dalkaas bishii February.

Madaxweyne Biden,ayaa sheegay in shacabka halganka shacabka reer Ukraine inuu noqday mid dhiirigeliyey ama tusaale u noqday caalamka oo dhan, isagoo u sheegay Zelenskyy in shacabka Maraykanku ay si weyn u garab istaageen reer Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine oo kuhadlayey afka ingiriisida ayaa uga mahadceliyey taageerada wadajirka ah ee loo muujiyey dalka iyo shacabka reer Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine,ayaa guddoonsiiyey madaxweynaha Maraykanka, billad sharafeed milateri oo uu lahaa askari reer Ukraine ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka,ayaa u sheegay weriyayaasha in safarka madaxweynaha Ukraine inuu yahay mid muhiimad gaar ah leh, kaas oo ka tarjumaya inuu hoosta ka xariiqo fursadda ah, in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu hareer istaago Ukraine.

SAfarkan ayaa ku soo beegmaya, xilli uu golaha Congresska Maraykanku uu ka doodayo lacag gaadhaysa illaa $45 bilyan oo dollar oo loogu deeqo dalka Ukraine, taasoo ka dhigaysa lacagaha uu Maraykanku siiyey Ukraine illaa $100 bilyan oo dollar.

Zelenskyy,ayaa la filayaa inuu hadal u jeediyey fadhi wada jira oo ay yeeshaan labada gole ee baarlamaanka Maraykanka.