Maxaa uqabsoomay Weftiga Dowlada Ee Madaxweyne Deni hogaaminayo ee ku sugan Garacad?

Shaqo wanaagsan,ayaa laga qabtay Dekeda,Deegaanka Garacad iyo guud ahaan Degmada Jariiban maalmaha ay joogeen weftiga Dowlada ee Madaxweynuhu hogaaminayay.

1.Dekeda,waxaa loo fariisiyay Dhul balaaran oo xuduud aan loosoo dhawaan karin ah.

2.Xarumaha Hay’adaha Dowlada,ayaa la dhagax-dhigay dhismayaashoodii sida…

B.Maaliyada.
T.Amniga.
J.Dekedaha
X.Kalluumaysiga

Sidoo kale,waxaa la Dhagaxdhigay dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo 120-km oo ka mid ah la dhisayo.

3.Dhanka amaanka,waxaa laysla qaatay Saldhig Ciidamada Booliska ah oo casri ah in deg-deg loo dhiso iyo fariisin Ciidamada Bada ah oo deg-deg loo hawlgeliyo.

4.Waxaa waxgaradka Bulshada lagu wacyigeliyay in Dekeda iyo Dhulka ku hareeraysan ay yihiin Hanti reer Puntland oo aysan Ganacsato gaar ulahayn.

Maalgashadayaasha Dekeda waxay haystaan mudo 60-sano ah kadib Dekeda waxaa si buuxda uyeelanaysa Dowlada Puntland.

Haatan Maalgashadayaashu waxay qaataan Lacagta Adeega kasoo baxda,waxii Canshuur ahna,waxaa iska leh Dowlada Puntland.

5.Waxaa laysla qaabeeyay Wajiga Sadexaad ee Dekeda kadib markuu dhamaado Wajiga Labaad,kaasoo la rabo in Dowladu door weyn oo maalgashi ay ku yeelato.

6.Maamulka Degmada Jariiban oo cabasho ka jirtay,ayaa la saxay,iyadoo la waafajinayo xeerarka Wasaarada Arimaha gudaha.

Garacad kuma koobnaan doonto Deked oo kaliya ee waxay yeelan doontaa qayb Shidaal,qayb Kalluumaysi,qayb Warshado yar-yar,qayb Dalxiis iyo Magaalo Badweynta Hindiya ku taal oo qurxoon.

Garacad waa Aalada tartanka cusub ee ay reer Puntland uga qaybgalayaan Somaliyada hiigsanaysa 50-sano ee isbadalka loo guurayo.

Jibril Qoobey.