Video:-Maxay ka tiri doorka Qurba-joogta Marwo Caasho Geelle?

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ka hadlaysay Shirka Qurba-joogta ee ka socda Garowe,ayaa ka hadashay doorka Qurba-joogta ay ku leeyihiin horumarka Wadanka.

“Qurba-joogtu waa muhiim,iyagaana Dalka dhisay oo sida Magaalooyinka qurxoon oo Garowe ay ka mid tahay maalgashtay”Ayay tiri Caasho.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri”Waxaan ubaahanahay in aan ka faa’idaysano oo aan iyagana midayno hada way kala qaybsan yihiin oo ay qayb ka qaataan arimaha danta guud way ku fiican yihiin danaha gaarka ah”.

Caasho waxay ka mid tahay haldoorka reer Puntland mana ulaha Gabar booskeeda buuxin karta.

Waa waxgarad aragti dheer,shaqsiyad fiican,Qab iyo Qiyam leh oo haldoor ah.

Sida ay hada ufaalaysay Qodobka Qurba-joogta iyo baahiyaha jira waa cajiib.

Kulankan Garowe ka socda ma macno badna waxa kaliya oo uu soo jiidashada ku yeeshay waa in Caasho ka dhex muuqato.