Maamulka Gobolka Mudug oo ku guulaystay xalinta dhacdo dhextaalay Laba Beelood

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali jifo-jabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Puntland iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Amniga Puntland ayaa ka qayb galay Shirka Dibu-heshiisiinta laba Beelood oo walaalaa kuwaas oo dhacdooyin ku dhexmareen Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan oo ay goob joog ahaaheen Nabadoono iyo ergooyinka laba Beelood ayaa lagu fuliyey qodobo hordhac u ah Dib uheshiisiinta labada beelood, iyagoona halkaa kula kala wareegay
Duugtii, Qorigii iyo furkii iyadoona loo madal kale loogu balamay in magta lagu kala qaato, Nabadoonada Labada Beelood ayaa si wada jira ugu Baaqeen in Nabada iyo Amniga laga wada shaqeeyo wixii dhacayna xalay dhalay laga noqdo iyagoona iskuna gacanqaaday isla madasha.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal oo kaashanaya isimada Gobolka ayaa wakhti badan galiyey sidii xal waraa looga gaari lahaa Arintan gudoomiyaha ayaa tilmaamay Muhiimada ay leedahay Nabada iyo Wadajirka Bulshooyinka wada dega sidoo kalena wax kasta oo dhacana lagu dhameeyo wada hadal, heshiis iyo is af-garad, sidoo kalena labada beelood uga mahadceliyey sidii ay u ilaaliyeen heshiiska.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG