Video:-Madaxweyne Ukrain oo khudbad ka hor jeediyay Kongarayska Maraykanka

Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo ku kacaya Laba Bilyan oo dolar.

Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay Mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruushka ku qaaday dalkiisa.

Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda Adduunka.

Khudbad xamaasad leh oo uu jeediyay,ayuu kaga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda Ciidan ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa.

Zelensky oo marki ugu horreysay booqasho ku tagay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrrimiyo tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Ukraine,ayaa wuxuu siyaasiyiinta u sheegay in dadka reer Ukraine ay u dabaaldegi doonaan ciidda Christmas-ka iyagoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in xulafada qaar ay dareemaan culeyska iyo dhibaatada ka dhalatay iska horimaadka iyo carqaladeynta cuntada iyo tamarta adduunka, ayuu madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” midnimada iyo taageerada Ukraine.

Mr Biden waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uusan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalkan naxariis darrada ah.

Halkan ka daawo muuqaalka