Video:-Ilhaan Cumar oo Xaflad loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey Ilhaan Cumar in ay Tusaale nool u tahay kartida iyo dadnimada hablaha Soomaaliyeed, wuxuu ku soo dhoweeyay Puntland, isagoo boggaadiyey dadaalkeeda ay ugasoo dhexmuuqatay Siyaasadda Maraykanka.

Ilhaan Cumar ayaa uga Mahadcelisay Madaxweynaha, Dowladda iyo dhammaan Shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen Puntland, waxayna aad ugu riyaaqday Dimuqraadiyadda Puntland ka taabagashay, Iyadoo muhiimada Dimuqraadiyadda tusaale ugusoo qaadatay Guusha ay ku gaartay Codka Shacabka Maraykanka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdixakiim Dhoobo-Daarood iyo Axmed Cali Xaashi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Xasan Yuusuf, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland , Jaaliyadda Qurbojoogta ee (PDF) , Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada, Waxgaradka, Haweenka , Dhallinyarada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.

Halkan ka daawo muuqaalka

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.