Shiinaha oo Hal Maalin oo qura uu ku dhacay Corona Virus 37-Milyan oo Qof

Ku dhawaad ​​37-Milyan oo Qof oo ku nool Shiinaha,ayaa ku dhacay COVID-19 hal maalin oo ka mid ah Todobaadkan,

Wakaaladda wararka ee Bloomberg,ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganaysa Shir uu yeeshay Komishanka Caafimaadka Qaranka ee dalka Shiinaha Arbacadii.

Warbixinta oo la daabacay Jimcihii,ayaa lagu sheegay in boqolkiiba Sideed iyi Toban dadka dalka Shiinaha oo ydhiganta 248-Milyan oo Qof ay u badan tahay in uu ku dhacay fayraska Corona 20-kii maalmood ee ugu horreeya Bishan Disembar.

Waxaa jira kor u kac weyn oo ku yimid kiisaska Corona-virus tan iyo markii ay meesha laga saaray siyaasadii muranka dhalisay ee Eber-COVID ee Shiinaha, ka dib mudaaharaadyo baahsan oo toddobaadyadii la soo dhaafay looga hor yimid.

Siyaasadda Eber-COVID, waxay ka dhignayd in dhammaan magaalooyinka xannibaad lagu soo rogo haddii ay soo sheegaan kiisas dhowr ah.

Xayiraadahaas oo badi la hakiyay,waxaana sidoo kale la joojiyay tijaabintii Covid iyo soo sheegistii kiisaska.