Waa sidee amniga Xarunta Ganacsiga Puntland Ee Bosaso?

Guud ahaan Gobolka Bari,gaar ahaan Xarunta Bosaso Amnigeedu waa fadhiyaa,waxaana Gacanta si fiican ugu qabtay Ciidamada kala duwan ee Puntland oo iskugu jira Booliska,Badda iyo Pisf.

Majirto cabsi amni oo ka imaanaysa argagixisada waxayna Ciidanku ku hawlgalaan si qarsoon iyo si muuqata.

Maalin walba waxaa Ciidanka soo gaara digniino qaraxyo balse majiraan wax run ka noqda.

Haatan,waxaa soo baxayay ilaa Shalay in Sadex Qarax ay fulin doonaan kooxo aan ahayn argagixisada,waxaana tuhunku galay gudaha Ciidamada kala duwan.

Balse Ciidamadu xogahaas si weyn ayay Isha ugu hayaan waliba si gaar ah meelaha la tuhmayo.

Bosaso waa camiran tahay,Ganacsigeeduna waa sareeyaa,amnigeedana si qorshaysan,ayaa Gacanta loogu hayaa.

Jibril Qoobey.