Maxaa uqabsoomay Booliska Puntland Sadexdii Bilood Ee ugu danbeeyay?

Ciidanka Booliska Puntland waa Hay’adda ugu weyn ee sharci fulinta rayidka ah ee Puntland sida ku cad Qodobka 86-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Ciidamada Booliska waxay u shaqeeyaan sida Ciidanka Booliska Adduunka ( Interpol), shaqooyinkooda waxaa ka mid ah..

1.La-dagaalanka dambiyada.
2.Xakameynta Taraafikada.
3.Illaalinta Nabadgelyada bulshada.
4.Ka hortagga Argagixisada.

Ciidanka Booliska Puntland waxaa la Aas-aasay sannadkii 1998-dii.

Jen.Muumin Cabdi Shire oo xiligan hogaanka uhaya mudadii gaabnayd ee uu hogaaminayay,waxuu hirgeliyay waxqabad la taaban karo oo kala ah…

1.Diyaarinta Qorshaha 5-ta Sano soo socota
2.Hirgelinta Warshada Tuutaha Ciidanka PL.
3.Dhisida Kaydka shidaalka Booliska PL.
4.Sixida habka Ciidanku ushaqeeyo.
5.Tiro koobka Ciidanka oo lasoo afmeeray.
6.Hirgelinta Adeega xiriirka Booliska dhexdiisa
7.Hirgelinta Adeega Bulshadu kula xiriiri karto.

Markii la qiimeeyo sida hogaanka cusub uwado dar-dar gelinta shaqo,waxaa la filan karaa isbadal muuqda oo mudo gaaban ku hirgala.

Shaqada socota ka weyn mid ku kooban ismuujin ama Camera-da Baraha Bulshada.

Jibril Qoobey.