Faahfaahin Goorta uu furmayo iyo Qodobada looga xaajoonayo Shirka Wadatashiga Qaranka

Shirka Wadatashiga Qaranka ee Madaxda Somalida,ayaa Berri furmi doona,waxuuna ka kala dhacayaa Villa Somaliya iyo Xalane.

Dowladu waxay wadaa la tashigii ugu dambeeyay kulamada Shirkan waa kuwo ilaa xad la qariyay in wax xog ah laga helo.

Qodobada ugu waa weyn ee Madaxdu ka doodi doonto,ayaa kala ah..

1.Cadaalada oo macnuhu yahay in la dhiso Gudi Garsoor oo Madax banaan Lix Bilood gudahood.

2.Awood qaybsiga oo macnaheedu yahay in la dhamaystiro Dastuurka qaybaha ka haray.

Dagaalka argagixisada Wajigiisa Labaad in laga wada xaajoodo iyo sidii Somaliya 6-bilood gudahood looga soo afjari lahaa,ayaa iyaduna ay ubadan tahay.

Arimaha Siyaasada iyo Doorashooyinka Dawlad Goboleedyada kama mid noqon doonaam Qodobada Shirka horyaala,sida Ilo muhiim ah sheegayaan.

Waxaa kaloo la filayaa in Sanad gudihiis Somaliya yeelato Aag Dhaqaale iyo Hanaan Sharci oo kuxiraya Suuqyada Caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan waxa uu war bixin kasiin doonaa Madaxda Dowlad Goboleedyada kulamadi Maraykanka uga soo qabsoomay iyo jihada Somaliya aadi doonto.

Wax kasta waxay ku xirnaan doonaan wada shaqayn heer federaal ah oo Dawlad Goboleedyada iyo Villa Somaliya ka wada timaada.

Jibril Qoobey.