Maraykanku ma waxuu soo ceshay Siyaasadii Laba Wajiilaynta Ee Somaliya?

Markii laga soo tago erayadan uu soo qoray Diblomaasiga Maraykanka ah ee hawlgabka noqday kuna shaqaysta xiligan,waxa loo yaqaan “Lobbyist”Sharciga uu saxiixay Madaxweynaha Maraykanku ma siinayo aqoonsi Dal Madaxbanaan Gobollada Waqooyi ee Somaliya (Somaliland).

Xeerka,waxaa la yiraahdaa (Xeerka ogolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka).

Si cad,ayuu Sharcigu uqeexayaa waxa uu ka hadlayo,waxuuna amrayaa,iyadoo laga duulayo danta amniga Qaranka Maraykanka in la isticmaali karo dhaqaalaha Amniga Qaranka si wada shaqayn amni iyo mid horumarin Bulsho loola yeesho Dowlada Fadaraalka,Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland.

Hadafka Sharcigu,waa in wax alaale iyo waxii khatar ku ah danta amniga Qaranka Maraykanka halkooda loogu tago lalana kaashado cid walba oo la heli karo.

Sharcigan cidna masiin aqoonsi kamana qaadin aqoonsi,taa badalkeeda,waxuu xaqiijiyay in Maraykanku la tacaamulayo heer walba oo nidaamyada Somalidu gaarsiisan yihiin ama nidaamka Dowladeed ee Somaliya ee Labada Heer kala ah.

Somaliland heerka ay waaqiciyan ku sugan tahay,ayaa loola dhaqmay,kaasoo ah in aysan isku arag Dowlad Goboleed Xubin ka ah Dowlada Fadaraalka,isla markaana aan ahayn Dal Madax banaan waxa udhaxeeya waa sida loo xusay ( Somaliland).

Muhiimada ugu weyn ee xeerkan Somalidu ka faa’idayso waa in si siman loo maalo qorshaha Maraykanka haday noqon lahayd Ciidamo la tababarayo,maalgelin hay’ado amni iyo Mashaariic horumarineed.

Waxaa muuqata in Maraykanku usoo qalabqaatay Afrika oo uu horay udayacay.