Muxuu uga dhignaa Puntland Socdaalka Ilhaan Cumar?

Imaanshaheeda Puntland,waxuu ahaa muhiim macno ulahaa Dal iyo Dad.

Si gaar ah Barnaamijka Dimuqraadiyaynta,ayuu muhiimad gaar ah ugu lahaa.

Si dadban fariin waxay ugu dirtay kuwa diidan Dimuqraadiyada,iyadoo ku baaqday in aan lugaha la qaban Madexweynaha,waxayna soo dhawaysay doorashada Golayaasha Deegaanka.

Sidoo kale socdaalkeedu,waxuu muujinayay in Somalidu ay tahay Dad karti leh oo hiigsan kara meelo sar-sare.

Waxay ku baaqday in laga gudbo isjilaafaynta oo ay tahay in Yooolka Qofka hagaya aan lagu noqon ka dhad.

Socdaalkeeda ka hor dhaarinta in ay Somaliya soo aragto oo mashruuca Qardho-Bayla ay u hawlgasho,ayaa qayb ka ahaa.

Ilhaan waa Diric dadnimo leh oo hadal yaqaan ah caalamka sumcad uga samaysay Somalida,gaar ahaan reer Puntland isla Somalida dhexdeeda maqaam ugu soo jiiday.

Waxaa cajiib ahayd sida ay utahay Qof dalka si hoose uga warqabta oo xog-ogaal ah.

Ilhaan Sharaf iyo Magac ayay la noqotay,booqashadeediina laguma ceeboobin.

Jibril Qoobey.