Faallo:-Rajo xumada Mustaqbal Ee Dhulka Somalida Itoobiyaanku gumaysto

Somali Galbeed ama Dhulka Somalida ee Itoobiyaanku gumaystu nasiibdarro,ayaa ku dhacday.

In uu Gacan Gumayste Madow galo oo ka haro Dhulweynihii Somaliyed ee kale waxay ahayd nasiibdarradii 1-aad.

Dagaalkii 77 oo qarka loo istaagay in uu xaroobo fashilkii ku dhacay,waxuu ahaa nasiibdaradii 2-Aad.

Halgankii ONLF ee Nus Qarniga socday in uu kusoo idlaado natiijo la’aana waxay ahayd nasiibdarradii 3-Aad.

Haatana qorshaha socda ee Amxaarada iyo Abiy isla wadaan ee la rabo in Magaca Qowmiyada Somalida loogaba tirtiro oo loo kala jarjaro Gobollo dhawr ah Deegaanka Somalida oo qaybna la raaciyo Oromada iyo qaybna Harariyiinta iyo qayb yar oo Somalida lagu soo koobo waa nasiidarrada 4-Aad.

Burburka Qarankii weynaa iyo kala taga ku dhacay Umaddii Somaliyed iyo rajo xumada in aysanba dib umidoobi karin waa nasiibdarrada 5-Aad.

Qabka Wiilka Amxaarka ah uu ku dhasho iyo Niyad-jabka Wiilka Somaliga uu ku dhasho ee Itoobiya wada jooga wax la dugsan karo ma’ahan,waxaana tusaale kuugu filan dhibka ku dhacay Qoyska reer Subcis.

Xaqiiqdii calool xumada ugu weyn ee ku hor imaanaysaa waa in Beel balaaran oo haday Xor ahaan lahayd macno iyo miisaanba ulahaan lahayd Somalida laga dhigay Kurdiyiinta Geeska Afrika.

Siyaasi lagu Adeegto oo amarada looga soo dhiibo Adis-ababa iyo Ganacsatada Daaraha dhaadheer ee aan lahayn mustaqbalka dhisaysa Labaduba waa Dhalanteed Bulshada lagu hodayo.

Waaqicigu,waxuu yahay Qofka Somaliga ah ee Dhulkaas ku nool Sadex in uu wajaho….

1.Halgan ilaa Xornimo la helo.
2.Ka haajirid Deegaanka ah.
3.Aqbalid Gunnimo iyo Isir tirtirid.

Jibril Qoobey.