Taalibaan oo ka mamnuucay Haweenka Shaqooyin nolosha Qoysaska ay ku tiirsanayd

Markale waxay kusoo rogeen xayiraado aan caadi ahsyn Haweenka.

Taalibaan waxay mamnuuceen in Gabdhuhu ushaqeeyaan hay’adaha aan Dowliga ahayn.

Talaabadan waxay toos utaabanaysaa nolosha Qoysaska reer Afgaanistaan.

Haweenka Shaqooyinka hay’adaha laga joojiyay,ayaa Biila Qoysaskooda oo ay ku tiirsan yihiin noloshoodu.

Dhaleecayn caalami ah ayay kula kulmeen Taalibaan go’aankan Shaqo joojinta ah Haweenka ka dhanka ah.

Sidaanoo kale waxay Maalmo ka hor mamnuuceen in Haweenku aadi karaan Jaamacado.

Go’aankaas oo uu dhaleeceeyay Shiikh Al-Ashar-ka Masar.

Taalibaan masiiyaan wax adeeg Bulsho,dhaqaale iyo daryeel kale Bulshada Afgaanistaan oo Dumarku ugu jilicsan yihiin.