Wasiirkii hore Arimaha dibada Talyaaniga oo Geeriyooday

Wasiirkii hore ee Arimaha dibada Talyaaniga Franco Frattini,ayaa geeriyooday.

Laba jeer,ayuu soo noqday Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Frattini.

Sidoo kale xilal kale,ayuu kasoo qabtay Golaha Wasiirrada Wadanka Talyaaniga.

Sabtidii,ayuu geeriyooday isagoo 65 jir ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Talyaaniga.