Xog iyo faahfaahin hawlgallada lagula dirirayo argagixisada Ee ka socda Bartamaha iyo Koonfurta Dalka

Xalay waxaa Muqdisho ka degay Cutubyo ka tirsan Ciidankii lagu tababaray dalka Eretereya.

Sida qorshuhu uu yahay Laba Madax,ayaa loo kala qaadayaa Hawlgallada soo socda…

1.Madax dhanka Koonfur-galbeed iyo Jubaland udhaqaaqaya.

2.Madax isku furaya dhamaan Jidadka iyo deegaanada dhanka Hir-shabelle iyo Galmudug inta argagixisadu kaga sugan tahay.

Dhanka koonfur-galbeed iyo Jubaland waa la diyaarshay Ciidanka Labada Maamul ee hawl galkaas ka qayb qaadan lahaa.

Labadaas maamul waa diideen in la hubeeyo Macawisley,waxayna badal kooda door bideen in Ciidamada Labada maamul,kuwa Dowlada Federaalka iyo Atmis oo Itoobiya iyo Kenya ka mid yihiin in ay hawl galkaas wada jir uqaadaan.

Kulanka Aadan Barre Ducaale iyo Axmed Madoobe waxuu qayb ka ahaa hawlgalka dhanka jubaland ka bilaabanaya sidii Dowlada Kenya qayb uga noqon lahayd gaar ahaan dhanka Caafimaadka iyo Saadka.

Sidoo kale hawlgalka dhanka Cirka waxaa fulin teeda loo xil saaray Ciidamada Atmis

Madaxa argagixisada waxa uu yaalaa Dhulka Jubbooyinka,halka Sayntiisu ay taallo Xarardheere.

Jibril Qoobey.