Faallo:-Shirka Madasha Qaranka iyo Madaxda Fadhida??

Shirka Madasha Qaranka ayaa waxaa fadhiya:

Afar Madaxweyne oo Hawiye ah..

Xassan Shiikh, Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Madaale.

Laba Madaxweyne iyo RW Daarood ah..

Hamsa, Deni iyo Madoobe

Madaxweyne Digil iyo Mirifle ah..

Laftagareen.

RW ku-xigeen Isaaq ah..

Saalax Jaamac.

Qodobada laga filayo in ay ku heshiiyeen..

  1. Awood Qeybsiga Dalka
  2. Nidaamka Cadaaladda Dalka
  3. Maqaamka Caasumadda Muqdisho oo la doonayo in ay noqoto state-ka saddexaad ee Beesha Hawiye.

Faah-faahin:

HSM, Hamsa, Madaale waa isku Xisbi waana isku siyaasad

Madoobe iyo Hamsa waa isku siyaasad arrimaha Gedo .

Deni cidna lama siyaasad ahan waxay isugu dhow yihiin Laftagareen oo fashil qarka u saaran.

Laftagareen wuxuu ku jiraa dadaal siyaasadeed siduu u badbaadi lahaa.

Qoor Qoor waa agoon aan la aamini karin

Saalax Jaamac wuxuu u fadhiyaa inuu madaxda ka qosliyo.

Waxaa doon khaldan wada saaran oo ah doonta wakhti kororsiimada:

Madoobe, Qoor Qoor, Laftagareen iyo Guudlaawe.

Deni,ayaa waxaa ku socda diyaar garow Gobolka Bari ah Sidaas awgeed qalbigiisu shirka ma joogo.

Guudlaawe, dagaalada ka socda Gobolkiisa ee Shabaab ku aadan weli kama hadlin.

Madoobe hub waa haystaa laakiin shabaab uma haysto ee Dadkiisa ayuu u haystaa.

Maxaa talo ah?

Idil News Editorial.