Puntland oo xaqiijisay sharciyaynta Mudo kordhintii Laftagareen

Markale ayay masraxa Siyaasada Somalida ku haysaa taageerada Puntland hogaamiye Somaliyed oo qarka ufuulay in uu salaanka Siyaasada si fudud uga duulo.

Madaxweyne Laftagareen oo ciirsanaya garabgalka Siciid Deni,ayaa soo fariistay Kursigii ay ku lahayd Koonfur-galbeed Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho.

Saakay,waxii ka danbeeya waa hogaamiyaha Sharciga ah ee Koonfur-galbeed ilaa December 2023.

Madaxweyne Laftagareen oo mudo xileedkiisii Afarta Sano 19-kii Bishan ay ku ekayd,waxuu helay Sanad dheeriya oo ay siiyeen Siyaasiyiinta,Waxgaradka uuna meel mariyay Baarlamaanka haysta mudo xileedka Sharciga ah.

Inkasta oo ay ahayd in doorasho dhacdo hadana Shuruucda Maamulka KG oo aan saldhigan,ayaan ka maarmin Xeer jajab.

Puntland sidaanoo kale waxay dhiiqo Siyaasadeed uga soo saartay Jubaland,waxayna taageero cad la garab istaagtay Madaxweyne Axmed.

Sida muuqata dhamaan Dowlad Goboleedyada Doorashadooda Madaxtooyo waxay noqon doontaa Sanadka 2024 hadii rabbi idmo.

Waa umuhiim Somaliya in Labadeeda heer ee Dowladnimo ay yeeshaan mudo doorasho oo isku mid ah.

Jibril Qoobey.