Video:-Talyaha Booliska Puntland oo booqasho ku gaaray Gobolka Bari

Bosaso, December 26, 2022 : Wafti uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa maanta galinkii danbe gaaray xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo lagu soodhaweeyay.

Wafdiga taliyaha ayaa inta uu safarka ku jiray kormeeray kuliyada tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo iyagoo ukuuegalay xaalada kuliyada.

Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdi Qaadir Jaamac Diriri saraakiisha gobolka ayaa wafdiga taliyaha ku soo dhaweeyay magaalada,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa ka mahad celiyay soodhawaynta diiran ee loosameeyay.

Ujeedka safarka wafdiga taliyaha ayaa ah kormeerka xaalada amni ee Gobolada Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka

  • DHAMMAAD –