Gudiga Doorashada iyo Agabkoodii oo ka gudbay Dangoronyo

Ciidamada Booliska Puntland oo galbinaya Gudigii Diiwaangelinta iyo Agabkoodii,ayaa dhaafay Dangoronyo si Nabadgelyo ah.

Dhalinyaradii koobnayd ee lagu ururshay meel udhow Karin-dhiig,waxaa kala diray waxgarad is abaabulay intaan Ciidanku soo gaarin.

Sida muuqata Dowladu si Caqli ku dhisan ayay ku maaraysay xaaladii ka jirtay Aagaas.

Gudiga iyo Agabkiisa,ayaa ku wajahan Gobolada Bari iyo Karkaar oo 5-ta Bisha ay qorshaysan tahay in Diiwaangelintu Cod bixiyayaashu ka bilaabato.