Itoobiyan Airlines oo Duulimaadkeedii Gobolka Tigreega dib ubilaabaysa

Shirkada Diyaaradaha ee Itoobiyan Airlines,ayaa dib u bilaabaysa duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Gobolka uu Tigreegs maalinka Arbacada ah.

Warbixin ay Shirkadu soo saartay aysy sida ay ku sheegtay, in Duulimaadyadii ganacsi ee ugu horreeyay ee ay ku tagi doonto Tigray 18-bilood kadib.

Ku dhawaaqistan,ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo madaxda Shirkadaha Ganacsiga ay booqasho ku tageen Magaalada Mekelle si ay usii xoojiyaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee bishii hore.

Heshiiskan oo ay ku jireen ballan-qaadyo lagu soo celinayo adeegyadii,ayaa waxaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo Labo Sano ah oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Itoobiya,xulufadeeda iyo Ciidamada Tigreega, kaasoo ay ku dhinteen Kumannaan Qof auna ku barakaceen Malaayiin kale.

Dib u bilaabista Duulimaadyadani waxay sahlaysaa in Qoysasku dib u midoobaan, fududaado soo celinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi, kicinta dalxiiska iyo keenista fursado badan oo bulshada u adeegi doona,”Ayuu yiri Madaxa Shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew oo ka mid ahaa weftiga Meqelle tafey.