Video:-Wefti ka socda Dowlada Dhexe Ee Itoobiya oo gaaray Maqalle

Ugu danbayn,waxaa si rasmi ah loo gyda galay fulinta heshiiska Tigreega iyo Dowlada Abiy.

Waxaa gaaray Maqalle Caasimada Deegaanka Tigree wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay qayb ka yihiin Xubno sar-sare oo ka mid ah Gudiga dib uheshiisiinta Qaranka Itoobiya.

Waxaa mid mid ugacan qaaday Madaxweynaha Tigreega oo mar ay adkayd in uu fagaare soo istaago.

Geerida Nus Milyan Qof kadib,waxay ubadan tahay in Itoobiya dib uheshiiso oo ay soo afjaranto colaad khatar gelisay jiritaankeeda.

Waa talaabo horay loogu qaaday fulinta heshiiskan shuruuda looga dhigay Abiy ka dhabayntiisa.

Reer Galbeedka oo gadaal ka riixaya heshiiska,ayaa Isha ku haya sida wax usocdaan.

Halkan ka daawo