Wasiir Juxaa mawaxuu qayb ka noqday qorshaha Dimuqraadiyada lagu fashilinayo?

Maba jiraan Maleeshiyaad fadhiya Wadada Dheer oo Dimuqraadiyad kasoo horjeeda markaan dabagalay warka Juxaa sida fudud kusii daayay.

Dhanka Hawdka oo ku beegan Karin-dhiig,ayaa waxaa tagey 20-tameeyo Dhalinyaro ah oo qorshahoodu ahaa si gaadmo ah in ay u carqaladeeyaan Agabka Diiwaangelinta.

Balse Dadka Deegaanka,ayaa arkay oo ka hawlgalay hawshooduna waa gabagabo.

Juxaa marka uu sheegayo in Xasan lasoo hadlay waa mar hore oo xaalad kooban ay ka jirtay dhanka Tuula Jalam ee maba ahan Xalay.

Waaqicigu waxa uu yahay in Juxaa isagu suuq usameeyay Aaran hadalkiisuna u ahaa buunbuunin.

Mida kale waxay tahay kasbashadii Dadka waa ku fashilmeen Labada Wasiir ee lagu badalay Labadii Wasiir Aaran-shaydaan ee reer Nugaaleed.

Labada Wasiir xiriir lama leh Gacana kuma hayaan Isimadii,Ganacsatadii,Dhalinyaradii iyo Saxaafadii Gobolka ay ku matalasn Dowlada.