Aadan Barre iyo Mustafe Cagjar oo la filayo in ay socdaalka Geelle qayb ka yihiin

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Aadan Barre Ducaale Wasiirka Gaashaandhiga Kenya,ayaa Wararku sheegayaan in ay Beri kusoo wajahan yihiin Muqdisho.

Sida la sheegayo waxay qayb ka yihiin qorshaha socdaalka ee Madaxweyne Geelle ku imaanayo Muqdisho.

Ujeedka Geelle waa in uu tirtiro sawirkii ka dhashay Meherkii Gabadhiisa oo markale uu isku muujiyo Oday Somaliyed.

Somali badan,ayaa u aragtay in Xafladii Meherkii Gabadha Geelle loo badalay kulan lagu xoojinayo isbahaysi horay loo maqlay oo ku dhisan Hab Qabali laguna magacaabo Iririsim.

Irir-samaale waa isbahaysi horay ujiray oo uu hada boorka ka jafay Madaxweyne Geelle,kaasoo ay ku midaysnaayeen Beelaha Dir iyo Hawiye.

Balse su’aasha Dadku iswaydiinayaan,ayaa waxay tahay Cagjar iyo Ducaale maxay ka duulayaan oo ugu maalinayaan Geelle?

Dad badan,ayaa u arka in ay ilhaamo ku tahay Ducaalle iyo Cagjar qayb in ay ka noqdaan safarka Geelle iskugu muujinayo Oday Somaliyed.

Jibril Qoobey.