Golaha Amaanka oo Talibaan ku amray in ay ka laabtaan go’aankii ka dhanka ahaa Haweenka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey,ayaa Ururka Taalibaan ee ka arrimiya dalka Afqaanistaan ka dalbaday in si deg deg ah uu uga noqdo mamnuucidda uu ururkaasi haweenka ka mamnuucay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha samafalka.

Golaha oo ka kooban 15-ka xubnood,ayaa sheegay in wax aad looga walaaco ay tahay xayiraadaha Taalibaanku ay ku soo rogeen dumarka dalkaasi, kuwaa oo ay sheegeen in ay lid ku yihiin ballanqaadyadii ururkani uu u sameeyay shacabka dalkaasi markii uu xukunka la wareegay.

Taliban,ayaa todobaadkii hore xirtay Shan Haween ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbax ka dhacay caasimada Afgaanistaan ​​ee Kabul, kaasoo looga soo horjeedo mamnuucida Waxbarashada Dumarka.

Saddex wariye,ayaa sidoo kale la xiray tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dalka sannadkii hore.

Taliban waxay si joogto ah u xakamaysay xuquuqda haweenka – inkastoo ay ballanqaadeen in xukunkoodu uu ka duwanaan doono nidaamkoodii hore.