Miisaaniyada Dowlada Fadaraalka oo la ansixiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa maanta Shir guddoomiyay kalfadhiga Labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Qodobada horyaalay kulanka,ayaa waxay ahaayeen akhrinta Sadexaad iyo ansixinta Miisaaniyadda Dowlada Fadaraalka ee 2023.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda ,ayaa dhamayd $973,985,805.

172 -Xildhibaan,ayaa cod Gacan taag ah ku ansixiyay Miisaaniyada,wax diiday majiraan,isla markaana waxaa ka aamusay 1-Mudane.

Boqolkiiba 71% Dakhliga Dowladda Dhexe,waxuu ku yimaadaa cawimaad shisheeye,taasoo muujinaysa in aan Dowlad Dhexe oo xor u ah dhaqaale ahaan iyo Amni ahaan weli Somaliya aysan ka dhismin.