15-Sano kadib Siyaasiyiinta Beesha Ogaden waa qaangaari la’yihiin?

15-sano oo aan Masraxa ku haynay hanka Siyaasiga Ogaadeen weli waa Qaangaari la’a yihiin.

Wiilal Ururo la yiraahdo Damjadiid + Daljir ku shaqaysta oo Siyaasadooduba aysan qaangaar ahayn ,ayaa Jar ka boodo ku Ciyaaraya.

Ra’isalwasaarihii Jamhuuriyada,waxuu cidlo la yuururaa Aniga waxba la ii sheegee kama baxayo balanka.!!

Madaxweynihii Jubaland Siyaasadaba,waxuu ufahmay ballan ha yeelan oo waxuu ku doodayaa heshiiska aan Saxiixay markaan laabtaan ka baxayaa oo wax soconaya mahan !!

Bal maxay ku badasheen Dowladii dhamayd ee Jubaland wax kalaba yeelkeed??

Miyaysan ogayn in Gedo loo dhisayo Maamul Kmg ah oo Laba Sano ah?

Miyaysan ogayn ilaa Jilib in Ciidan loo diyaarsaday?

Miyaysan ogayn in Sanadka Axmed la siiyay aan looga harayn ee ugu danbayn Kismaayo layskugu imaanayo?

Mararka qaarkood,waxaa kuusoo baxaysa magaca OG iyo Siyaasad iskugumaba Sancana.

Nimanka,waxaa saamayn ku yeeshay Gumaystaha Madow oo waxayba isku arkaan Qaxooti dib udejin loo sameeyay.

Jibril Qoobey.