Heshiiskii ay ka baaqsatay Puntland in ay Saxiixdo oo qarka usaaran in laalo

Heshiiskii waa socon waayay,waxayna ubadan tahay in la hakiyo eediisiina Xamse dusha laga saaro.

Lataliyayaasha Xasan,ayaa ilaa Maanta waxay ku mashquulsanaayeen saamaynta ay keentay saxiix la’aanta Puntland ee heshiiska.

“Maxaad ku deg-degayseen oo keenay in heshiiska lakala saxiixo dibna loogu laabto kala qaybsanaan”Ayay Beesha Caalamku ku tiri Xaafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale haldoorka iyo Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Somalida,ayaa si weyn uga hor yimid heshiiskan baalmarsan Dastuurka.

Haatan waxay leeyihiin heshiiska Madaxweynuhu ma Saxiixin kaliya Xamsaa saxiixay marka waa la hakinayaa si loo dabiyo culayska ka yimid.

Waa dharbaaxo Siyaasadeed oo ku dhacday fashilka heshiiskan Madaxweyne Xasan,balse layskaga gudbayo Ra’isalwasaare Xamse.

Caalamku,waxuu soo istaagay Madaxweyne wax Somali ku midaysan tahay,ayaan kaa rabnaa.

Jibril Qoobey.