Ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey iyo Madaxweyne Deni oo kulmay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hadda ah Ku-simaha xilka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Kiki Gbeho.

Waxaa Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland sida Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya iyadoo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo madlanyahay 05 January 2023. Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.