Maxaa looga xaajooday Shirka Todobaadlaha Ee Booliska Puntland?

Boosaaso, December 29, 2022: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire , ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah Booliska oo todobaadkan looga hadlay Warbixinta Amniga dalka gaar ahaan Gobolka Bari.

Shirka Todobaadlaha Booliska ayaa looga hadlay Amniga Doorashooyinka Qof & Cod ee Puntland iyo Hannaanka amniga dimuqraadiyadda dalka, waxaana ka qeyb-galay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyeyaasha saldhigyadda Booliska Boosaaso iyo Saraakiil Booliska ka tirsan.

Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Mumin Abdi Shire ayaa maalmahaan ku suganaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib, Safaro uu ku soo maray deegaano ka mid ah Gobollada Nugaal, Karkaar iyo Bari kuwaas oo uu kala hadlay xoojinta amniga gudaha.

Dhinaca kalena, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan gacan-siinta Laamaha amniga si loo xoojiyo Amniga dalka.

DHAMMAAD

WIXII FAAH-FAAHIN KALA XIRIIR

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

E-mail: media@police.pl.so / info@police.pl.so