Maxay yihiin ujeedooyinka qarsoon Ee Ismaaciil Cumar Geelle uyimid Muqdisho?

Ismaaciil Cumar Geelle,waxuu uyimid Sadex arimood oo qarsoonaa Somaliya,kuwaasoo kala ah…

1.La dagaallanka argagixisada qandaraasyadeeda in uu wax ka helo.

2.Somaliland in laga hor istaago Shidaal baarista.

3.Dekeda Garacad in laga hor istaago helida Mashruuca dhismaha Wadada Garacad-Goldogob.

Hadafkiisu waa dan Ganacsi oo Qoyskiisa ugaar ah oo uu ku qarinayo Danta Jabuti.

Ismaaciil Somaliya,waxuu u arkaa fursadiisa uu ku samayn karo dhaqaale horayna ugu soo sameeyay.

Siyaasiyiinta Beesha Hawiye,waxuu arkaa Rag ay iskula jaanqaadi karaan samaynta dhaqaalaha,halka kuwa PL iyo SL uu iska ilaaliyo.

Saacad walba,waxuu ku dadaalayaa in aysan Somaliya dib ukaban,midoobin oo ay isaga hoos joogto dulaalna uu uga noqdo caalamka.

Jibril Qoobey.