Puntland oo aan saxiixin Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Puntland waxay caddeysay in aysan qeyb ka ahayn Labadii Qoddob ee Shirka ugu muhiimsanaa.

Labada Qodob ee laga xaajoonayay,ayaa kala ahaa…..

1.Cadaalada oo ah in la helo Garsoor Madaxbanaan.

2.Awood qaybsiga oo ah in la qabyo tiro Dastuurka lana kala qeexo awoodaha Labada heer ee Dowladnimo.

Puntland waxay soo jeedisay in Gudiyo loo saaro wakhtina la siiyo lagana Madaxbaneeyo Siyaasada.

Balse Dowlada Fadaraalka waxay wadatay qorshe kale oo oranaya in hada xal laga gaaro.

DG kale dhamaantood waxaa hogaaminaya Madax Mudo kororsi ku taagan yahay oo aan kala ogayn in ay sii joogayaan Sanadka soo socda danna aan kala hayn masiir fog.

Sidaa daraadeed Puntland qayb kama ahan waxa soo baxay waxayna ku taagnaanaysaa Dastuurkeeda uqeexaya awoodaheeda.

Dalku,waxuu ku laabtay Siyaasadii ahayd Somaliland,Puntland iyo Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Awoodaheena Dastuuriga ah masii daynayno mana ku ciyaarayno masiirkeena.

Somaliland gooni goosad ayay taagan tahay.

Puntland Fadaraal ayay taagan tahay.

Bartamaha iyo Koonfurtu meel ha isku soo raacaan.

Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay in uusan Saxiixin Warmurtiyeedka oo uusan raqiis noqon.

Dalku waa Somaliland,Puntland iyo Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Jibril Qoobey.