Qodobada Puntland ka biyo diiday waa Dastuuri ku xiran Qabyo tirka Dastuurka

Labada Qodob ee ay Puntland ka Biyo diidday in Shirka Xamar go’aan looga gaaro waa kuwan…

1.Garsoorka lama Fadaraalayn karo ilaa Dastuurka la dhamaystiro.

2.Awoodaha Labada heer Dowladeed ee Somaliya,waxaa qeexaya Dastuurka umana baahna heshiis gaar ah kaliya waxay rabaan in la qabyo tiro Dastuurka.

Labada Qodob waxay ku xiran yihiin dhaqangelintooda dhamaystirka Dastuurka.

Shaqada ugu weyn ee hortaala Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah marka laga soo tago la dagaallanka argagixisada,waa dhamaystirka Dastuurka.

Balse Madaxweyne Xasan oo ka duulaya dano dhaqaale rabana in uu maalgashi ku helo Dayn door ah,waxuu isku dayay in uu wax macjileeyo.

Dowladnimada Somaliya,waxaa hor taagan in ay dhamaystiranto Dastuurka qabyada ah ilas laga gudbana majirto Dal,hay’ad iyo Shirkad aaminaysa nidaamkeena.

Jibril Qoobey.