Muxuu ku mutaystay Billad Sharafta Qaran Ismaaciil Cumar Geelle?

Xaqiiqdii ilhaamo ayay ku ahayd Sinjiga Somaliga in Ismaaciil la gudoon siiyo Billad Sharafta ugu saraysa Qaranka.

Ma istaahil,ma mutaysan,ma kasban umana qalmin in maqaamkaas la gaarsiiyo.

Markii la qiimeeyo sida uu ula dhaqmay Somaliya mudadii burburka ee ku dhisnayd ku danaysiga,kala qaybinta iyo dulaalnimada uma qalmo in la gaarsiiyo heer lagu tilmaamo Walaal daacad ah oo waxtar muujiyay xili loo baahnaa.

Sidoo kale markii la dul istaago hogaamintiisa Jabuti laguma tilmaami karo hogaamiye lagu daydo oo mudan in la karaameeyo.

Geelle,waxuu dhaqmay sidii in uu hogaaminayo Shirkad Ganacsi oo Qoyskiisu leeyahay,waxuuna dil,xarig iyo caburin iskugu daray Mucaaradka iyo Saxaafada Jabuti.

Waxaa intaas sii dheer oo aan laga Indhoqarsan karin dayaca adeeg xumo ee Shacabka Jabuti ku nool yihiin.

Madaxweyne Xasan,waxaa lagu dhaliili karaa in uu ka dhigtay Awoodii Dowladnimo iyo Xasaanadii Qaran ee la siiyay,waxuu ku kool koolsado Sxb-diis kuna gaaro rabitaankiisa Siyaasadeed.

Ismaaciil ma waxuu ku mutaystay Billad Sharafta in uu Xasan siiyay 2-Milyan oo dolar xiligii doorashada Madaxweynaha??

Masuulka kaliya ee Somaliyed oo ka biyo diiday waxa Xamar ka socda waa Madaxweyne Deni,waxuuna ku helay karaamo iyo Sharaf Taariikhda gashay.

Halkan ka daawo sida ay udhacday Billad gudoonsiinta Madaxweyne Ismaaciil Cumar.