Video:-Maxaad ka fahansan tahay dooda Puntland Ee Dastuurka?

Si fiican,ayuu usharaxay Aqoonyahankan reer Muqdisho Dastuurka iyo hanaanka Fadaraalka.

“Puntland caqabad kuma noqon Dowlada Fadaraalka ah ee waxay taqaan xaqeeda,waxaana dhisan nidaamkeeda”Ayuu yiri.

“DG kale ayay ahayd in ay raacaan Wadada PL oo ay ilaaliyaan Dastuurka,isla markaana difaacdaan xuquuqdooda Dastuurga ah”Ayuu yiri markale.

Sadex Qodob maahee arimaha kale oo idil waa laga wada xaajoon karaa,waxayna kala yihiin…

1.Arimaha Dibada Dowlada Dhexe,ayaa leh.
2.Gaashaandhiga Dowlada Dhexe,ayaa leh.
3.Socdaalka.Dowlada Dhexe ayaa leh.

Sidoo kale Garsoorka Dalku sida uu noqonayo,waxaa qeexaya Dastuurka oo Cutub dhan,ayaa udhisan oo ubaahan kaliya fulin.

Garsoorka Dalku waa Sadex kala ah…

1.Maxkamada Dastuuriga ah ee heer Fadaraal
2.Maxkamada Sare ee heer Fadaraal.
3.Maxkamadaha Dastuuriga iyo Sare ee heer DG.

Waxaa jira Qodobo 12 ah oo ay isla leeyihiin Dowlada Dhexe iyo DG kuwaas,ayaa dood keena,waase laysla fahmi karaa.

Halkan ka daawo muuqaalka