Beesha Caalamka oo war kasoo saartay xaalka Laascaanood

Saaxiibada Beesha caalamka,ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Dad rayid ah.

Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan”Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay BC.


“Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn, Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal”Ayaa markale lagu yiri wsrka Beesha Caalamka.

Wadamada soo saaray Qoraalkan ee ku midaysan,ayaa kala ah…

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.