Maxay kaga jawaabeen Taalibaan canbaarayntii caalamka Ee go’aanka ka dhanka ah Haweenka?

Sabihullah Mujaahid, oo ah Afhayeenka xukuumadda Talibaan,ayaa sheegay in warqadda ku saabsan mamnuucidda shaqada Haweenka shaqaalaha ah ee gudaha iyo kuwa Ajaanibka ah ee aan dowliga ahayn ee Afgaanistaan loo soo saaray si loo ilaaliyo ixtiraamka iyo sharafta Haweenka.

Wasaaradda dhaqaalaha ee Taliban ayaa u sheegtay BBC Pashto in “hay’adaha Qaramada Midoobay ee aysan khusaynin warqadan.”

25-kii bishii Desembar ee Bishii tagtay,ayaa amar ka soo baxay Talibaan Haweenka looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn.

Go’aankaas,waxaa cambaareeyay Qaramada Midoobey iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah xuquuqda Aas-aasiga ah .

Hoggaamiyaasha Taalibaan,ayaa sheegay in Haweenka u shaqeeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xiran.

Wareegtadan,ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii Haweenka Ardayda ah laga mamnuucay Jaamacadaha.