Puntland dagaal Mileteri kuma qaadayso Laascaanood

Dowlada Puntland kama fulinayso hawlgal Mileteri Laascaanood xiligan haba yaraatee.

Hal talaabo ayay qaadaysaa oo ah in la taageero Shacabka dhibku soo gaaray.

Talaaba walba oo Mileteri oo Puntland ku dhaqaaqdo waxay hiil utahay Muuse Biixi-ga ku fashilmay Siyaasada gudaha iyo dibada ee Maamulkiisa.

Dowlada Puntland dagaal wajiyo badan oo Xabada ka macno badan ayay kaga jirtaa Laascaanood iyo xaalkeeda.

Sidoo kale looma hakinayo Diiwaangelinta Doorashada ee Gobollada Bari iyo Karkaar ka bilaabanaysa 5-ta Bisha haduu rabbi idmo xaalada jirta.

Gacana Shacabka dhibku soo gaaray,ayaa loogu gurmanayaa,Gacanta kalena Dimuqraadiyadaa lagu socod siinayaa.

Bulshada caadiga ah ee reer Puntland waa in gurmad la garab istaagaan Shacabka dhibku soo gaaray.

Jibril Qoobey.