Qaramada Midoobey oo cidsi Israa’iil ka dhan ah udirtay Maxkamada danbiya Ee Caalamiga ah

Maamulka falastiiniyiinta,ayaa soo dhaweeyay codbixin uu Golaha guud ee Qaramada midoobay kaga codsanayo Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada in ay fikrad sharci ka bixiso qabsashada Isra’il ee dhulka Falastiin.

Afhayeen u hadlay Falastiin, oo lagu magacaabo Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Israa’iil ay hoos imaan lahayd sharciga, isla markaana lala xisaabtami lahaa.

87-Waddan,ayaa taageeray qaraarka Jimcihii oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo dalal Muslimiin ah.

Mareykanka, Britain iyo Jarmalka,ayaa ka mid ahaa dalalkii diiday, iyagoo mooshinka ku tilmaamay mid aan faa’iido lahayn.