Israa’iil oo weerartay garoonka diyaaradaha Caasimada Siiriya Ee Dimishiq

Suuriya,ayaa sheegtay in dukheymo ay Israa’iil ka geysatay caasimadda Dimishiq ay sababeen in garoonka caalamiga ah ee ugu weyn uu shaqeyn waayo.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Suuriya,ayaa lagu sheegay in laba Askari oo ka tirsan Militariga lagu dilay weerarka.

Warbaahinta dowladda,ayaa sheegtay in dukheymo dhanka cirka ah ay sidoo kale ka dhaceen qeybo kale oo ka tirsan Dimishiq.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan sheegashada Suuriya.

Sanadihii la soo dhaafay Israa’iil waxay si joogta ah u weerareysay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya oo lala xiriirinayay Iran.