Maxay kawada hadleen Madaxa Xaafiiska Siyaasada Somaliya Ee QM iyo W.Arimaha Gudaha PL?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiska ku qaabilay Madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mr Evert Kets.

Kulankaan,ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland, dardargelinta arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee hal cod iyo hal qof iyo Xiisadda ka aloosan magaalada Laascaano ee Gobolka Sool.

Ugu damayntii Shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi-Wanaaagsan iyo is afgarad laga gaaray dhammaan qodobada hortabinta leh ee shirka looga wada hadlay.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL