Muxuu kala hadlay Madaxweyne Deni Golaha Garsoorka Puntland?

Garoowe: 02 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Golaha garsoorka Dowladda Puntland, oo isugu xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, xubnaha Maxkamadda Sare iyo Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Garsoorka Puntland iyo Sidii loo horumarin laha, sida shuruucda Garsoorka, xarumaha ay ku shaqeeyaan iyo guud ahaan horumarin lagu sameeyo shaqada Garsoorka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee hirgeliya Maxkamadda Dastuuriga ah, Iyadoo Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay siweyn usoo dhoweeyeen arrintaasi.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND