Video:-Halkee kaga jiraan Ciidamada Eretereya laga keenay qaab dhismeedka Amniga Qaranka ?

Dowladii hore Ciidankan kuma soo xulin,kuma qorin,kumana diyaarin Xeerar Ciidan oo ku fadhiya qaab dhismeedka Amniga Qaranka.

Dowlada Xasan waxay raacday Wadadii Dowladii ka horaysay,waxayna qoraysaa oo udaabulaysaa dibada Dalka Maleeshiyo loo diyaarsanayo Ciidan.

Madaxweyne Xasan oo la filayay in uu dhamaystiro qorshaha Amniga Qaranka weli waa ku dhiiran la’ a yahay hirgelintiisa.

Ilaa la helo qaab dhismeed Amni oo Somali ku midaysan tahay majirayaan Ciidamo Qaran oo laysla ogol yahay.

Ciidamadana waxay qayb ka yihiin Maleeshiyaadka jooga Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya.

Halkan ka daawo muuqaalka