Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha Puntland waxaa liqay kacdoonka Laascaanood

Dadkii reer Puntland niyadoodii Laascaanood ayay Aaday Diiwaangelina uma soo jeedaan.

Waxa ugu daran Ciidamadii oo khatar ugu jira si iskood ah in ay udagaal galaan.

Saraakiisha hogaamisa Ciidamada Puntland ee kala duwan dhamaantood niyadoodu Laascaanood ayay jirtaa.

Shacabkii caadiga ah ee Puntland laga soo bilaabo Caluula ilaa Goldogob Laascaanood ayay ku jihaysan yihiin.

Diiwaangelintii niyad uma hayaan oo waa ka jeesteen.

Maalmo ka hor xaalka Laascaanood intuusan soo ifbixin Dadkoo dhan waa Dimuqraadiyaysnaayeen hadase kuwii ugu dhawaa,ayaan niyad uhayn.

Qiimaynta aan sameeyay,waxaan ka ururshay qaybaha Bulshada,Ciidamada iyo Siyaasiyiinta.

Dimuqraadiyadii Laascaanood baa cuntay.

Waa lagu khasban yahay dareenka Shacabka in la raaco lagama hor imaan karo hirka kacay.

Madaxweyne qaado talada kugu socota ee haldoor badan kuugu sheegayaan in aad hakiso Diiwaangelinta ilaa xaalka Laascaanood dhinac udhacayo.

Raac dareenka Bulshada yaan lagaa horkeenin oo laguu usticmaalin Dadkii ku garab taagnaa.

Jibril Qoobey.